Jabuuti (Kaab TV) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah gaaray dalka Jabuuti, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada mas’uul ayaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan sare u qaadista xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii Madaxweyne Maxamuud uu Asmara kula kulmay Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, kuwaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka iyo wax ka qabashada tabashooyinka gobolka. Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dambeeyay uu la xiriiro heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu xaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo muddo sanad ah ka dhaxeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa.
Intii lagu guda jiray kulan ay ku yeesheen dalka Eritrea horaantii todobaadkan, Madaxweyne Maxamuud iyo Afwerki waxa ay ku nuuxnuuxsadeen doorka muhiimka ah ee xasiloonida Soomaaliya ay ku leedahay xaqiijinta nabadda Geeska Afrika oo dhan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea.
Booqashada Madaxweyne Maxamuud Jabuuti waxa ay sidoo kale daba socotaa shir saddex geesood ah oo bishii Oktoobar, madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ay ku kulmeen Asmara iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka. Kulamadan ayaa ka tarjumaya dadaallada socda ee wax looga qabanayo caqabadaha amniga iyo kobcinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika.