SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi

|

NAIROBI (KAAB TV)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo hal maalin ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya C/raxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ganacsiga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dedaallo dublamaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa, taasoo ka dhalatay markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu heshiis is-afgarad ah la saxeexday Somaliland. Heshiiskani waxa uu Itoobiya u ogolaanayaa inay gasho badda si ay Somaliland uga hesho aqoonsi caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u diiday inuu la kulmo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo shuruud ku xiray in marka hore Itoobiya ay baabi’iso heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Soomaaliya  oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulkeeda ayaa hore ugu tilmaantay tallaabadan mid gardarro ah.

Midowga Afrika iyo Mareykanka labaduba waxay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay qaboojiyaan xiisadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News