MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in mashruuca biyo xireenka Itoobiya uu si weyn u saameyn doono guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka ku teedsan webiga Niil, sida Masar iyo Suudaan.
Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay arrintan, isagoo ku baaqay wada-hadal iyo iskaashi waara oo dhexmara dhammaan dhinacyada ay khusayso si loo gaaro xal la isku raacsan yahay.
Madaxweyne Maxamuud oo wareysi siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa caddeeyay in xiriirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya uusan saameyn xun ku yeelan doonin xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay Masar.
Madaxweyne Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolka, isagoo caddeeyay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara xiisado.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Masar ay si weyn u taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidamada, taageerada saadka, iyo tayeynta amniga. Xiriirkan ayaa ka tarjumaya xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida ay Masar uga go’an tahay ka qeyb qaadashada dadaallada xasilinta Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Itoobiya iyo Eritrea uu ka dhex qarxi karo khilaaf, isagoo ku tilmaamay hadallo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxa uu sheegay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya in uu dagaal qarka u saaran yahay.
Madaxweynaha ayaa si isku mid ah u iftiimiyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay Boqortooyada Sacuudiga, oo ah xiriir soo jiray qarniyo badan. Wuxuu xusay in labada dal ay hadda ku hawlan yihiin dadaallo cusub oo lagu xoojinayo iskaashigooda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo horumarka guud.

