Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu tilmaamay in markii ugu dambeeyay ee uu ka badbaadayay isku dayga dil ay isku dayayeen Al shabaab inay carqaladeeyaan socdaalkiisa jiidaha dagaalka si uu ciidanka u dhirigeliyo, Laakin Alle mahadii iyo feejignaantii hay’adaha amniga ayuu ku sheegay in uu dhicisoobay qorshahoodii.
“Isku daygan joogtada ah ee la doonayo in la igu khaarijiyo ma aha mid ka tarjumaya weerar shakhsi ah, balse waxay ka tarjumaysaa ogaanshaha cadawga ee ku wajahan nooca mashruuca qaran ee aan wadno oo ah mashruuc Soomaaliya looga badbaadinayo argagixisada, laguna dhisayo mustaqbal xasiloon oo ay helaan dadkeeda iyo gobolka oo dhan. Al-Shabaab waxa ay garwaaqsatay in ciribtirka iyada iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah aysan macnaheedu ahayn in Soomaaliya la xoreeyo, balse ay sidoo kale amni iyo xasillooni ka abuurto Geeska Afrika” ayuu maqaalkiisa ku sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalka ay Dowladiisu kula jirto argagixisadu ahayn dagaal maxali ah oo keliya, balse waa dagaaluu ku tilmaamay mid lagu doonayo nabadda iyo xasilloonida gobolka oo dhan.
“Sirdoonkeena ayaa dhawaan ogaaday xiriirka ka dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kaasoo isu bedelay inay is waydaarsadan hub iyo khibrado la is dhaafsado, Waxaan qabanay oo la wareegnay shixnadihii qaraxyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen ka imaanayay ee Soomaaliya soo gaaray, waxaana gacanta ku dhignay shabakad dadka wax tahriibisa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Maqaalkaan uu Madaxweynaha Sharqul Awsat uu ku qoray ayaa sidoo kale waxa uu ku xusay in Argagixisadu ay raadiyaan inay maamulaan biyaha muhiimka ah ee badda, hadday ahaan lahaayeen Gacanka Cadmeed ama xeebaha Badweynta Hindiya, kuwaas oo u taagan halbowlayaasha muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.