Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Turkiga, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhanka ciidamada iyo amniga, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada Soomaaliya ay kula dagaalamayso Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
“Booqashadan waxay muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ciribtirka argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay leeyihiin iskaashi xooggan oo istaraatiijiyadeed kaas oo ka kooban qaybo badan oo kala duwan, sida amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga ah, tamarta, iyo waxbarashada. Turkiga waa hormuudka caalamiga ah ee taageera tayeynta ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan tababaridda ciidamada Soomaaliya iyo ka caawinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Dhowaan, Turkiga waxa uu Soomaaliya soo gaarsiiyay diyaaradaha casriga ah ee Bayraktar Akinci ee aan duuliyaha lahayn (UCAVs), taasoo fulinaysa ballan-qaadkii milateri ee muddada dheer la sugayay ee ahaa in la kordhiyo dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-shabaab.
Soo gelinta diyaarada Akinci ayaa ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya iyo Turkiga iskaashiga milateri, waxaana ay sii xoojineysaa joogitaanka istiraatiijiga ah ee Turkiga uu ku leeyahay Geeska Afrika.