MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in Itoobiya ay dalbatay fududeynta wadahadallada Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweyne Maxamuud oo Sabtidii ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa u muuqday mid u jawaabay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo toddobaadkan Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dalal kale u marayso inay Itoobiya ku eedeeyaan. halkii ay si toos ah wufuud ugu diri lahaayeen Adis-ababa wadahadal.
“Dowladda Itoobiya waxay ka baxsanaysaa mas’uuliyadda khaladaadkeeda dublamaasiyadeed, waxayna ku xad-gudbi doontaa xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Maxamuud. “Shalay Itoobiya waxay jebisay sharciga caalamiga ah, maantana way diiday inay raacdo wadadii saxda ahayd, Itoobiya waxay ku andacoonaysaa inay doonayso inay Soomaaliya la heshiiso iyadoo ku dhaqmaysa ka soo horjeeda mabaadi’da diblomaasiyadeed.”
Madaxweyne Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in talaabooyinka ay qaadayso dowladda Itoobiya aysan ahayn kuwo nabadda keenaya, isla markaana meesha ka saaraya kalsoonidii iyo ku-dhaqanka shuruucda caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa todobaadkan ku dhaliilay Soomaaliya in ay ka fogaatay wada hadal toos ah. “Taladaydu waxay tahay yaan la khasaarin lacag aan waddamo kale soo marno si ay noogu eedeeyaan marka ay suurtagal tahay in Addis Ababa noogu timaado, diyaar ayaan u nahay wadahadal,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in lacagtaas ay si wanaagsan ugu bixi karto “dhismaha Hal kiilo mitir ama hal iskuul oo ku yaala Muqdisho, taas oo dadka anfici lahayd”.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa 1-dii bishan July gaaray magaalada Ankara, balse ma aysan yeelan wada-hadallo fool-ka-fool ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku tilmaantay wada-hadallada inay ahaayeen kuwo hufnaa, oo niyad-sami leh, iyo kuwo mustaqbal leh. Dhinacyada ayaa isku raacay in dib la isugu soo laabto 2-da Sebtembar, taasoo muujineysa in loo baahan yahay wadahadal dheeri ah si loo xalliyo xiisadda.
Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland la saxeexday January 1, 2024, ayaa Soomaaliya u horseeday olole diblomaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedo heshiiskaas.

