Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay xalay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.
“Madaxweynaha waxaa laga helay COVID-19. Tani waxay aheyd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsanyahay, wuxuuna si caadi ah u gudan doonaa waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.
Maalintii Arbacada, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shaki kaqabo inuu ku dhacay COVID-19, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID -19.
Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID-19, ayaa mar walbo lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask.
COVID-19 ayaa yimid sanadkii 2019 bishii December isagoo ay udhinteen dhowr milyan oo qof labadii sano ee uu cusbaa, balse uu yaraaday sandkii 2022 markii lahelay talaalkiisa.