SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Ukraine oo ka digay talaabo halis ah oo Ruushku qorsheynayo

|

Kiev (Kaab TV) – Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in xogo sirdoon ah oo ay heleen basaasiinta dalkaas ay muujinayaan in Ruushka uu ka fikirayo in uu fal argagixiso ka sameeyo warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee la haysto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ay qorsheyneyso Moscow ay kamid yihiin inay sii dayaan shucaaca nukliyeerka ee warshadaas oo halis gelin kara nolosha dadka iyo duunyada.

Waxa uu sheegay in faahfaahinta ay u gudbinayaan xulafada iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khusayso.

Madaxa sirdoonka millatariga Ukraine ayaa ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay qodayaan balliga qaboojiya warshaddan nukiliyeerka ah.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa arrintan ku tilmaamay waxaba kamjiraan isagoo sheegay in kormeerayaasha Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ay hadda tageen warshadda oo ah tan ugu weyn Yurub ayna ku qanceen wixii ay halkaas kusoo arkeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News