SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Ukraine oo shaaciyay caqabadaha ku horgudban doorashada dalkaas

|

Ukraine (KAAB TV) – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id uu qabtay, ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain.

Sidoo kale, madaxweyne Zelensky ayaa sheegay haddii la soo bandhigo ama lakeeno qaab dammaanad amni uu iska bixi doono oo uu xilka isagatagi doono, waxaa kalo uu soo bandhigay inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO.

Zelensky, wuxuu ku cel celiyay inaysan dhaci karin doorashada Ukraine, inta lagu jiro marxaladan.

“Sidee tani ku dhici doontaa? Sidee ayay ciidamadu u codayn doonaan? Sidee bay u codayn doonaan dadka dibadda jooga? Kharkiv, gobollada kale illaa Sumy sideen ku aqoonsan karnaa doorasho aan kala bar dadweynaha codeyn doonin?”

Sikastaba, Zelensky ayaa diidday inuu saxiixayo heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo ku andacooday 10 jiil oo dadka reer Ukraine khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News