SO | EN

SO | EN

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti oo ka hadlay xasiloonida Soomaaliya

|

DJIBOUTI  (KAAB TV) –Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Arbacadii kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay horumarka gobolka iyo caalamka, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha Geeska Afrika iyo xaaladda Soomaaliya.

 

Labada mas’uul ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la taageero dhammaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, waxayna carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

El-Sisi iyo Geelle ayaa soo dhoweeyay dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha federaalka Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda ciidamada qalabka sida si ay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka.

 

Waxa ay sidoo kale si kulul u cambaareeyeen isku daygii dilka ahaa ee dhawaan loo geystay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo taageero dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

 

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada madaxweyne waxay ku sheegeen inay ka go’an tahay inay ciidamadooda ku biiriyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo looga gol leeyahay in lagu taageero nabadda iyo xasilloonida dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News