Kigali (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kigali kula kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka.
Intii uu socday kulanka ayaa labada mas’uul waxay ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha sida argagixisada.
Madaxweyne Kagame ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka samaysay dhanka amniga, diblomaasiyadda, iyo horumarka dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka mid ahaa madax iyo wufuud badan oo Afrikaan ah oo ka qayb galay xafladda caleema saarka Kagame Axaddii.
Sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka qaranka, Kagame ayaa ku guuleystay 99.18% codadkii la dhiibtay doorashadii bishii hore. Waxa uu xukunka hayay tan iyo wixii ka dambeeyay xasuuqii 1994-tii.

