SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Biixi oo lakulmay xubnaha komiishinka guddiga doorashooyinka ee Somaliland

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay Xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland ee qabtay doorashadii isku sidkaneyd ee axsaabta ururada, xisbiyada  iyo Madaxtooyada.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa shaqadii iyo labadii doorasho ee u qabsoomay Somaliland ku amaanay shacbiga Somaliland ugana mahad celiyey inay adduunka tuseen wacdaro iyo casharo hor leh, guddidii hawsha wadayna ay ku mahadsan yihiin.

Dhanka kale, madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey komishanka inay ka dhabeeyeen riyadiisi aheyd in Somaliland halkiisa ka sii wado dedaalada dimuquraadiyada ku salaysan ee doorashooyinka, si ay beesha caalamka u tusaan in u bisil yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen dalalka caalamka ee la’aqoonsan yahay.

Dhinacooda waxa ay guddida komishanka  Madaxweynaha ku boggaadiyeen sidii milkaha iyo sharafta lahayd ee uu ula shaqeeyey, kuna garab istaagay inay qabtaan shaqada baaxadaa leh, isla markaana uu noqdo Madaxweynihii doorashada maalgeliyey bixiyeyna lacagta doorashada inteeda badan, taas oo ahayd geesinimo kale.

Ugudamebyn, waxa uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi komishanka doorashooyinka  u rajeeyey shaqo wanaag iyo inay sidaasi isugu duubnaadaan inta ay shaqadan maamulkooda  hayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News