Burco (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo ku guda-jira ololaha maalintii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ayaa safar dhanka cirka ah ku tegay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasi oo Madaxweynaha si ballaaran loogu soo dhaweeyey fagaaraha khayriyada ee Burco. Kumanaan ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ayuu madaxweynuhu kala hadlay fagaaraha.
Sidoo kale, waxana halkaas ka hadlay masuuliyiin katirsan xisbiga KULMIYE ka mid yihiin guddoomiyaha ololaha Xisbiga KULMIYE, waxay dhammaantood taageerayaasha uga mahad celiyeen muujinta taageerada baaxada leh ee ay u muujiyeen Xisbia KULMIYIE, sidoo kalena waxa ay ugu baaqeen in sidaa ay maanta u muujiyeen taageeradooda ay maalinta codayntana ugu hagar baxaan Xisbigooda.
Mdaxweyne, Muuse Biixi, oo la hadlay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee ku sugnaa Fagaaraha Kheyriyada Burco ayaa uga mahadnaqay muujinta cududdooda ballaadhan islamarkaana hoosta ka xarriiqay in xamaasadda iyo is muujintu ay tahay mid lagu yaqaanno Taageerayaasha reer KULMIYE.