Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey taliska guud ee ciidamada maamulka Soomaaliland.
Wafdigan uu madaxweyne Ciro hor kacaayay ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro, xildhibaano iyo taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Soomaaliland.
Ujeedka socdaalka madaxweyne Ciro ayaa ahaa ukuur galida xaaladaha ciidanka Soomaaliland, iyo in uu xariga ka jaro qeybo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay taliska ciidanka maamulka Soomaaliland.