Dubai (KAAB TV) – Madaxweyaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi cirro ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee ay dawladda Imaaraadka carabtu la barbar taagan tahay maamulkiisa Somaliland.
Sidoo kale, madaxweyne Cirro, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ku talo jiro inuu sii kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacayada dhaqaalaha iyo horumarka kala duwan ee kala dhaxeeya maamulkiisa dowladda Imaaraadka Carabta
Dhanka kale, Cirro ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee maalgashiga Imaaraadka, gaar ahaan DP world oo door xooggan ka qaadatay xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo dekedda Berberana isku bedeshay xarun ganacsi oo Istaraatiji ah oo Somaliland ku xireysa dalalka dariska ah.
Madaxweynaha ayaa maalgashiga DP world ee dekedda Berbera ku sheegay inuu dhaafsiisan yahay horumarka dekedda oo kaliya isla markaana uu gaaray in la sameeyo Berbera Freezone ama aagga xorta ah ee ganacsiga iyo waliba waddo ganacsiyeedka Berbera ku xireysa Itoobiya, kuwaa oo kor u qaaday xidhiidhka dhaqaale ee u dhexeeya Somaliland iyo dalka Itoobiya, oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 134 milyan oo qof .
Ugudambeyn, Cirro ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Imaaraadka in Somaliland haddii loo maalgaliyo khayraadka xoolaha nool ay dalalka Khaliijka iyo guud ahaan gobolkaba u dhoofin karto hilibka, iyada oo xoolaha Somaliland jooga lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 40 illa a50 milyan isla markaana ay sannad walba xilliga xajka u dhoofisaa Sucuudiga ku dhawaad 4 milyan oo neef.