SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Cirro oo booqashadii Xamse ku tilmaamay dagaal qaawan

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa socdaalkii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, xamse Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood ku tilmaamay “dagaal qaawan”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta khudbad sannadkeedkiisa ka jeediyay Baarlamaanka Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland mowqifkeeda ku aaddan imaatinkii Wasiirka 1aad ee Somalia ee deegaanka bariga Sool ee Somaliland, waxa ay ku cadaysay war murtiyeedkii aan ka soo saarnay shirkii 16aad ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee aan shir gudoominayey Arbacadii, 16kii April 2025, kaas oo Jamhuuriyadda Somaliland ay ku laashay wada-hadaldii Somalia,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

“Dagaal qaawan”

Cirro wuxuu ku eedeeyay Xamse Cabdi Barre inuu doonayay khalkhalgelinta Somaliland. Wuxuuna ka digay in xadgudubkaasi sababi karo “colaad sokeeye”

“Xukuumadaydu waxa ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya uu yahay ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaalada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa madaxweyne Cirro.

“Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.”

Somaliland ayuu sheegay inay dalallka deriska ku wargalineyso dadaallo nabadeed ay socdaan.

“Somaliland waxa ay dalalka deriska ah iyo beesha caalamkaba ku wargelinaysaa in ay sii wadayso dadaaladeeda nabadeynta, walaaleynta iyo deris wanaagga, haseyeshee, waxa ay xasuusinaysaa inay awood buuxda u leedahay in ay gardaro kasta iska difaacdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Cirro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News