SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Cirro oo RW hore Rooble ku amaanay taageeradiisa Somaliland

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka gooni isutaaga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa farriin u diray siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dalbaday in madax-banaanida Somaliland ay taageeraan.

“Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garowsaday in Somaliland ay wax weyn qabsatay, xaqna u leedahay madax-banaanideeda, kuwaas oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble uu ugu horeeyo, Waxaan idin leenahay bahalka Waraabaha ayey Soomaalidu tiraahdaa ‘ulna lala gaari waa, af-xumana waxba looga tari waa.”

Sidoo kale, Maxamed Xuseen Rooble oo Xasan Sheekh eedeymo kala duwan u jeediyey ayaa sheegay “Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono.”

 “Waa la socotaan burburka iyo caqabadaha lagu haayo Somaliland, laakiin anaga raali kama nihin madaxweynahana waan u sheegnay.”

Ugudambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare hore Rooble, ayaa la yaab ku yilmaamay in siyaasigaasi uu taageeray gooni isku taagga Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News