SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Cirro oo shuruud adag ku xiray wadahaddlada Somalia & Somaliland

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo Bariga Gobolka Sool, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax bannaanida Somaliland.

Sidoo kale, madaxweyne Cirro oo wareysi dheer siiyay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayuu Madaxweyne Cirro sheegay in aan wax wada hadal ah lala geli karin Dowladda Soomaaliya inta ay gacanta ku hayso hawlo uu ku sifeeyey “dibin-daabyo ka dhan ah Somaliland.”

“Soomaaliya ma wada hadli karno, wada hadalna Somaliland lama gelayso, iyadoo qayb Somaliland ka mid ah ka abaabulayso maamul kale, waxaanu nahay dad nabad jecel Waanu difaacaynaa dalkeena iyo dadkeena” ayuu kuyiri madaxweyne Cirro wareysigiisa.

Hadalka Ciiro ayaa kusoo beegmaya xili dowladda Soomaaliya ay waddo dhisida iyo dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo ee uu sheegay in laga taageerayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Bariga Gobolka Sool, isagoona ku tilmaamay in ay tahay arrin halis ah midnimada dhulleed ee Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Cirro oo ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamida deegaannadaa iyo gobollada xeebaha dhaca ayaa sheegay in abaaruhu ay saameyn ku yeesheen laga soo billaabo Lawya cadde oo gobolka Awdal ka tirsan ilaa Laasqoray, wuxuuna xaqiijiyay in xoolihii ay intoodii badanaa ay dhinteen, dadkuna ay hadda geeri qarka u saaranyihiin.

Cirro ayaa tilmaamay in Abaaruhu ay sii jiri karaan bilaha soo socda oo aan roob la filayn, wuxuuna ganacsatada iyo dalalka dunida ugu baaqay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka Abaaruhu saameeyeen oo haatan wajahaya xaalad adag.

Sikastaba, dowladda Jabuuti ayaa noqatay dalkii ugu horreeyay ee ka jawaabtay baaqa ay horey u direen madaxda Soomaaliland iyo kuwa DFS, waxaana saacado ka hor Jabuuti ay Soomaaliland ku wareejisay deeq raashiin ah oo loogu talo-galay dadka ku nool deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News