SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Cirro: Siyaasadda xukuumaddu waa midnimada dhulka iyo wadajirka bulshada

|

HARGEYSA (KAAB TV) -Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqaynayso nabadda iyo wadajirka shacabka reer Somaliland.

Madaxweyne Cirro, oo Salaadda Ciida kula tukaday dadweynaha Masjid Jaamaca magaalada Hargeysa, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay si gaar ah diiradda u saarayo ilaalinta midnimada dhuleed ee Somaliland.

“Siyaasadda xukuumaddu waa midnimada dhulka iyo wadajirka bulshada; in nabad la helo, horumar la gaadho, waxa aynu u baahan nahay in aynu gacmaha is-qabsanno oo si wadajir ah uga shaqayno,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisa masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xuduudaha Somaliland oo uu ula jeedo kuwii Ingiriisku ka tagay,  kuwaas oo ay xukuumaddu aaminsan tahay inay yihiin xuduudaha saxda ah ee Somaliland. Hase yeeshee, qaybo ka mid ah dhulkaasi waxaa hadda ka jira maamulka SSC-Khaatumo.

Garaadada iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in nabadda ay Somaliland ku baaqayso aysan miro dhal noqon karin ilaa Somaliland ka tanaasusho sheegashada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, taas oo ay Somaliland dhankeeda sheegtay inay yihiin qayb ka mid ah dhulkeeda.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa iyaguna sheegay in saddexdaas gobol ay qayb ka yihiin dhulkii lagu aasaasay Puntland, sida uu tilmaamayo dastuurka maamulkaas. Arrintaasi waxay sii murjisay khilaafka saddex geesoodka ah ee ka taagan gobolladaas.

Somaliland ayaa qaramaysay kumanaan maleeshiya beeleed ah oo hore uga qayb qaatay dagaalladii ka dhacay Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo ilaa 500 oo tigniko ah. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada ay xukuumaddu sheegtay inay nabad ku soo dabaalayso.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay ku baaqday in dib ugu soo laabtaan kumannaan qoys oo hore uga barakacay magaalada Ceerigaabo, kaddib markii la xaqiijiyay nabadda magaalada iyo deegaanada ku dhow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News