Garoowe (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari.
Sidoo kale, Kulanka oo ka dhacay Gobolka Bari ayaa waxaa looga hadlay howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.
Kulanka waxaa ku wehlinaayay madaxweynaha, guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Maxamed Baari Shire, goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga, Cuqaasha, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Bari.
Dhanka kale, Siciid Deni ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan shacabka Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Argagixisadu soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.