SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Deni oo daahfuray buugga Jiilka Daraawiishta ee uu qoray Maxamed Kaashawiito

|

GAROOWE (KAAB TV) – Buugga Jiilka Daraawiishta oo uu qoray Saxafi Maxamed Siciid Kaashawiito ayaa lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay munaasabadda daahfurka. Wuxuuna sheegay inuu ku dhiirigaliyay suxufi Maxamed Siciid qorista buugga.

Deni wuxuu sheegay in taariikhda umadda Soomaaliyeed oo la qoro ay tahay keyd u hari doona jiilalka dambe, isla markaana wax qorista ay horseedeyso in taariikhda wax laga barto xumaan iyo sammaan wixii la soo maray.

Buuggan cusub ayaa ka hadlaya halgankii daraawiishta oo ka soo bilaabanaya illaa 1920meeyadii xilligaas oo xoogagii daraawiishtu ay ingiriiska kula dagaalameen waqooyiga Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News