MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubaland ka hor shirka lagu wado inuu berito u furmo dhinacyada siyaasadda ee mucaaradka ku ah maamulka Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Deni ayaa wafdi culus la tagay Kismaayo, oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin hore uga tirsanaa maamulka Puntland.
Dowladda Jubaland ayaa martigalineysa shirka Kismaayo oo la filaayo in laga soo saaro go’aano waaweyn oo saameeya siyaasadda cakiran ee Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa wafdiga madaxweyne Deni ku soo dhoweeyay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) iyo dadweyne ka mid ah kuwa reer Kismaayo.
Waxaa kaloo maanta Kismaayo gaaray siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Waxaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay iyaguna gaaraan Kismaayo.

