SO | EN

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan dowladda Federaalka

|

Garoowe (KAAB TV) – Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo meel dheer sii gaarsiin kara xiisada kala dhexeysa DF.

Sidoo kale, madaxweyne, Deni ayaa sheegay in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyo lacag, taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya.

Deni ayaa xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Dhanka kale, wuxuu DF ku eedeeyay inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka.

Maamulka Puntland ayaa horey usoo saartay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhawaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaafkii soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.

Sikastaba, Muranka DF iyo Puntaland ayaa hadda meel gaaray, waxaana Puntland ay ka maqan tahay shirarka golaha wadatashiga qaranka oo lagu gaaray go’aanno xasaasi ah sida doorashooyin qof iyo cod ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News