SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Deni oo kulan laqaatay taliyaha howlgalka gaarka ee Mareykanka ee bariga Africa

|

Bosaaso (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.

Sidoo kale, Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Dhanka kale, Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News