GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digay dagaal dambe oo dhexmara ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu raadiyo waxa la isku khilaafsan yahay.
Madaxweyne Deni ayaa maanta hadal ka jeediyay Baarlamaanka Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay nasiib darro tahay colaadaha qabiil ee soo laalaabtay ee ka socda gobollada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inaysan habbooneyn in khilaafaadka u dhexeeya siyaasiyiinta inay saameeyaan dadweynaha.