Ankara (KAAB TV) – Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa wadahal dhinaca telfoonka ah layeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyagoona kawada hadlay kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya oo muddooyinkii lasoo dhaafay mugdi ku jiray.
Sidoo kale, wadahadalka Trump iyo Erdogan ayaa intii uu socday waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ku jiraan xaaladda Suuriya oo uu ka dhacay isbadal weyn uu sabab u ahaa Turkiga iyo sidoo kale joojinta dagaalka dalka Ukraine ka socda.
Dhanka kale, Erdogan ayaa ka codsaday Trump inuu ka qaado cunaqabateynta CAATSA oo ah sharci cunaqabateyn oo heer federaalka ah, dhammeystirka heshiiska uu Turkiga ku helayo diyaaradda F-16 iyo soo celinta wada-xaajoodyada uu Turkiga ku helayo diyaaradaha F-35 ee Mareykanka.
Sikastaba, Turkiga iyo Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay xiriirkoodu ahaa mid aan wannaagsaneyn, waxa uuna Madaxweynaha dib loo doortay ee Trump doonayaa in mar kale dib usoo celiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya oo xoogaa mugsi soo galay.