Cadcadey (KAAB TV) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa kormeer booqasha ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Guudlaawe ayaa furumaha uu tagay kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka hoggaamineysa, waxa uuna kala hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoona ku dhiirigaliyay in ay qeyb ka noqdaan ciribtirka Kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ahaa mid uu ugu kuurgalayo xaaladaha Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ayaa ku boggaadiyay guulaha lama ilaawaanka ah ee ay soo hoyeen, isagoo xusay in Al Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan dalka.
Dhanka kale, Cali Guudlaawe ayaa si kumeel gaar ah u saldhigtay deegaannada Cad-cadeey iyo Cadaanlaxeey si uu uga hoggaamiyo duulaaanka lagu ciribtirayo Al Shabaab,waxa uuna ciidamada faray inay gutaan waajibkaadka saaran ayna gaba-gabeeyaan cadowga umadda Soomaaliyeed.
Socdaalka uu madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagay farumaha hore ee dagaalka gaar ahaan xadka Sh/Dhaxe iyo Galgaduud, ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud ay horey uga saareen Al Shabaab.