SO | EN

Madaxweyne Guudlaawe oo tababar usoo xiray ciidanka gaarka u tababaran ee Madaxtooyada.

|

Jowhar  (kaab tv ) – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Madaxtooyada Dowlad-goboleedkaas.

Guudlaawe ayaa ciidankaan iyo saraakiisha hoggaaminaysa u sheegay in ay kusoo beegmeen xilli loo diyaargaroobayo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo qaybtii 1aad howlgalkaas dhul-badan looga qabsaday.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ciidamadaan ay kaalintooda ka qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’, Adkaynta Amniga & la shaqaynta ciidamada kale ee howlgalka ku jira sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.“Ciidamadaan oo ah dufcadii 4aad ee Booliiska Hir-Shabeelle maanta ciidamadaan aan tababarka u xirayno waa daraawiishta, maanta laga billaabo howshii aad ku jirteen ee tababarka ahayd mid ka duwan ayaa idiin billaabanayo, Dalka waxa uu ku jiraa dagaalka khawaariijta looga xorraynayo Dalka, qaybta labaad ayaa dhowaan la galayaa waana ka qayb-qaadan doontaan haddii alle idmo” Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle.

Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa is dhinac socda howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo Tababarka ciidamada la siinayo si loo kordhiyo askarta maadaama deegaanno muddo ay gacanta ku hayeen ‘AS’ laga qabsaday.

May be an image of 4 people

 

May be an image of 7 people

 

May be an image of 6 people

 

May be an image of 3 people, golf cart and jeep

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News