SO | EN

SO | EN

Waare oo ka digay colaad laga dhex abuurayo Xawaadle iyo Abgaal

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu fashilinayo dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab, sidoo kale colaad looga dhex abuurayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Waare ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in ay socdaan qorshayaal cadawga loogu daneenayo oo colaad looga dhax abuurayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal, si Al-Shabaab u helaan fursad weyn ay kaga faa’iideestaan cadawga dibna ugu soo laabtaan.

“Al-Shabaab waan kaga adkaanay furimaha dagaalka si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan” ayuu kuyiri Waare qoraal usoo saaray maanta.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle haddana ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasillinta iyo ilaalinta Arrimaha Rayidka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo tan Hirshabelle in ay kahor tagaan qorshahan colaada lagu abuurayo.

HirShabelle ayaa haatan wajaheyso xiisad siyaasadeed, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hadda sameystay maamul cusub oo uu ugu magacdaray Hiiraan State.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News