SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Joe Biden oo wada ol’ole lacag loogu deeqaayo Isra’iil

|

New York (KAAB TV) – Madaxweyne Joe Biden ayaa olole xooggan ugu jira sidii Aqalka Congress-ka u meel-marin lahaayeen deeq lacageed oo balaayiin dollar gaareysa oo Mareykanka ku caawinayo Israa’iil.

Sidoo kale, madaxweyne Biden ayaa ku bogaadiyay hoggaamiyeyaasha Congress-ka in ay meel mariyaan sharciga qarashka gar gaar ee gaareysa  $14bn ee Israa’iil la siinayo, kaddib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Lacagtan Mareykanka ugu deeqayo Israa’iil ayaa lagu doonayaa in lagu hormariyo nidaamka difaaca ee Israa’iil, waxaana la tuhmayaa in Israa’iil weerarka ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Syria in ujeedku ahaa sidii lacagtan u heli laheyd marka Iran weerarkaasi ka jawaabto.

Dhanka kale, afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Mike Johnson oo la hadlay Madaxweyne Biden ayaa u sheegay Fox News in xisbigiisu uu fahamsan yahay “baahida loo qabo in la garab istaago Israa’iil” iyo inuu isku dayi doono inuu horumariyo xirmada kharashka isbuucan.

Ugudambeyn, maamulka Biden wuxuu ku cadaadinayey aqalka ay maamusho Jamhuuriga inuu meel mariyo $ 95bn ee xirmada kharashka ammniga qaranka Mareykanka, lacagtan oo loogu tala galay in lagu taageero Israel, Ukraine iyo Taiwan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News