Garoowe (KAAB tv ) Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana ku guuyestay xilkaas Ilyaas Cusmaan Lugatoor ka dib labo wareeg oo doorasho ah.
Lugatoor ayaa guuleystay ka dib markii uu tanaasulay musharax Faarax Cabdi dhagax oo wareegii 3aad la tartami lahaa.
Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa helay wareeegii labaad ee doorashada 40 cod halka Faarax Cabdi dhagax oo ah musharaxa tanaasulay ee ku soo xigay uu helay 15 cod.
Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa isku soo taagay illaa 11 musharax oo xilkaas ku loolamay hase ahaatee Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa ka guuleystay kaasoo ku xigeen u noqon doona shanta sano ee soo socota Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid C/llaahi Deni.