Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne.

|

Baledweyne (KAAB TV)- Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, xilli uu socdaal uu ku joogo magaalada baladweyne . Isagoo ka hadlayay xaaladaha adag ee soo wajahay maamulka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan khilaafka ka dhex jira Hirshabelle, Yuusuf Dabageed ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay xal degdeg ah si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karto dadaallada horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay saameynta ay colaada Beledweyne iyo Hirshabelle ku leedahay horumarka gobolka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in xal lagu gaaro wada hadal iyo wadashaqeyn. Wuxuu qiray cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka ka dhex jira maamulka, wuxuuna ku booriyay in laga wada hadlo waxyaabaha keenay khilaafka.

“Xilliga khilaafku jiro waxaa muhiim ah in aan isu nimaadno si aan uga wada tashano, isla markaana aan is afgarad ku helno,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada-shaqeynta bulshada. Waxa uu ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay mudnaanta siiyaan wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta, isaga oo xoogga saaraya mas’uuliyadda la wadaago si looga gudbo caqabadaha iyo in laga shaqeeyo mustaqbal barwaaqo ah.

Baaqa Madaxweyne ku xigeenka ee dib u heshiisiinta iyo wada hadalka ayaa imaanaya xili magaalada Beledweyne ay ka socdaan shirar kala duwan oo ay hormuud ka yihiin mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Sanbaloolshe, Horjoogaha Ciidanka Macawiisleey Cali Jaytse iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. kuwaas oo ku shiray magaalada.

Iyadoo ay sii kordhayaan dadaallada lagu wajahayo khilaafka siyaasadeed iyo mideynta Hirshabelle, ayaa dhinacyada ay khuseyso waxaa loogu baaqayaa in ay galaan wada hadal wax ku ool ah iyo qorsheyaal iskaashi oo looga gol leeyahay in lagu gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News