KISMAAYO (Kaab TV) – Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere), ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, halkaas oo uu maanta ku geeriyooday.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, bulshada Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahan u dambeeyay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Lugadheere uu ahaa halyey kaalin weyn ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isla markaana noloshiisa u huray midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada.
“Marxuumku wuxuu ahaa mas’uul ay ka go’nayd in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kana shaqeyn jiray sidii dadka la isugu keeni lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubaland ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan qoyskii, ehelkii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

