SO | EN

SO | EN

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Masar & Eritrea ku eedeeyay xiisada Gedo

|

Gedo (KAAB TV) – Gobolka Gedo degmooyin katirsan, waxaa ka taagan loolan adag oo u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan ciidamo labada dhinac kala taabacsan ku dagaallameen degmada Beledxaawo oo ugu dambeyn lagu kala adkaaday.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa xiisada colaadeed ee hadda ka taagan qeybo kamid ah gobolka Gedo ku eedeynaya in kaalin weyn ku leeyihiin dowladaha Masar iyo Eritrea, labadan dal ayaana khilaaf siyaasadeed waxa uu kala dhaxeeyaa Itoobiya, oo dhankeeda Jubbaland hoosta ka taageereyso.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dalalka Masar iyo Eritrea ay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo, waxa uuna xusay in ujeedka labadaasi dal tahay sidii ay u gaari lahaayeen xuduudka Itoobiya.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida dowladaha Masar iyo Eritrea, annaga marnaba in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale mayeeleyno” Ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya, ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii gobolka Gedo gacanta dowladda usoo gali laheyd, si gobolkaasi looga dhiso maamul cusub oo Jubbaland ka madaxbannaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News