SO | EN

SO | EN

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo si adag uga hadlay weerarkii lagu dilay ciidanka Kenya

|

Kismaayo (KAAB TV) – Ciidamo katirsan hay’adda nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa maalmo kahor xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Mandheera waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidamada Kenya , halka mid kalana dhaawac uu soo gaaray.

Sidoo kale, Weerarka ay fuliyeen ciidanka NISA ayaa lagu dilay Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua isna uu dhaawac soo gaaray, waxaa weerarkan ka badbaaday saddex askari kale oo katirsanaa ciidamada Kenya ee xadka ku sugnaa.

Dhanka kale, madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu weeraray askarta Kenya laguna dilay sargaal ciidankaasi katirsanaa, waxa uuna tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday sargaalka la dilay, halka dhaawacana caafiaad u rajeeyay.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa falkan la xariiriyay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, waxa uuna sheegay in maamulkii ka jiray degmada Baladxaawo loo diidan yahay in shaqadooda qabsadaan.

“Wax walba sabab ayay leeyihiin is afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dan leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan, maxaa yeelay maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado” ayuu mar kale yiri.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News