Baydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.
Dhanka kale, Laftagareen iyo Danjire Mike ayaa kawada hadlay wax ka qabashada abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa mashaariicda dowladda Ingriiska ay waddo deegannada Koonfur Galbeed.
Dowladda Ingiriiska ayaa mashaariic kala duwan ka fulisa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, waxa ay sidoo kale ka caawisaa tababarada ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.