Baydhabo (KAAB TV) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wafdi ka socday Hay’adda SOS. Kulanka ayaa intiisa badan diirada lagu saaray xoojinta mashaariicda ay hay’addu wado.
War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Wafdiga SOS ay u qaabilsan yihiin Agaasinka Bariga iyo Koonfur Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa si faah faahsan uga warbixiyey caqabadaha hortaagan maamulka Koonfur Galbeed ee u baahan in la taageero si xal loogu helo dhibaatooyinka jira.
Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa safka hore kaga jira dowlad goboleedyada ay sida xun u saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha deegaanada qaar.