Hargeysa (KAAB TV) madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay safiirka dalka maraykanka ee Somaliya oo booqasho ku yimid magaalada Hargeysa. kulankaasi ka dib warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska KAAB TV. ee magaalada Hargeysa, ayaa u qornaa sidan.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka Ambassador Richard H. Riley.
Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya, nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu horayn xog-waran guud ka siiyey safiirka arrimaha doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona dabayaaqada Sannadkan, Waxaanu Madaxweynuhu xusay inay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta in dalka doorasho ka dhacdo, xukuumaduna ay dhamaystirtay waxkasta oo suurto-gal ka dhigaya in dalku u dareero doorashooyin.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu safiirka faahfaahin ka siiyey nabadgelyada mandaqada geeska Afrika, waxaanu is-dultaagay heshiiska is-afrad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia, isagoo xusay in labada dal wixii ay ku heshiiyeen ay iyaga u gaartahay, isla markaana wax dhibaato ah aanay dalal jaarka iyo caalamkaba u lahayn, balse ay soo kordhin doonto iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka. Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey in Somaliland ay u leedahay waayo aragnimo buuxda wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ah, kuna dhamaysto gudeheeda xal nabadgelyo.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey masuuliyiinta kala ah Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin.