Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u hambalyeeyay madaxdweynaa cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoona sheegay in uu aqbalay soona dhaweeyey natiijada ku-meel-gaadhka ah ee kasoo baxday guddida doorashooyinka.
Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyada, sida shacbiga reer Somaliland ee codkooda sida nabadgelyada ah u dhiibtay, guddidii doorashooyinka, axsaabtii iyo ururradii tartamayey iyo ciidamadii ammniga ilaalinayey.
Dhanka kale, Biixi waxa uu si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga WADDANI kasoo hooyey doorashooyinkii ka dhacay, murashaxiintiisana ku hambalyeynayo xilka culus ee la saaray, waxana uu yidhi,“Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo Qaran-dhiskuna sidaa yahay.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“Ma aha maalin aynu murmaynno oo aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo’e waa maalin aynu wada guulaysannay oo aynu Qarankeennii kor u dhisnay,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sikastaba, Muuse Biixi ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada, isaga oo guud ahaanba shacabka reer Somaliland-na ka codsaday in lala shaqeeyo Madaxweynaha la doortay, Qarandhiska Somaliland-na meel looga soo wada jeesto, si guul wadareed iyo badhaadhe loo gaadho.