SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xiisada ka taagan Ruushka Digniina u diray Kooxda Wagner

|

Moscow (Kaab TV) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee kusoo korortay dalkaasi, gaar ahaan afgambiga la sheegay in ay damacsan yihiin kooxda calooshood u shaqeestayaasha ee loo yaqaan Wagner.

Kooxda Wagner oo ka gadooday duqeymo ciidamada Ruushka la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo Ruushka katirsan, waxaana kooxdan lagu eedeeyay in ay qorsheenayaan afgembi ka dhan ah madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin ayaa tallaabooyinka ay qaadeen kooxda Wagner ku tilmaamay mid fal-dambiyeed ah, waxa uuna ugu baaqay kooxda Wagner iyo hoggaankooda in ay joojiyaan Fal dambiyeedka hubeesan.

Putin ayaa ku tilmaamay ficilada kooxdan inay yihiin ‘olole faldambiyeed ah’ oo u dhigma fal-dambiyeedyo hubaysan, wuxuuna ku booriyay kuwa ku lugta leh inay joojiyaan fal kasta oo hubaysan oo halis galin kara ammaanka Qaranka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ugu baaqay hay’adaha xoojinta shuruucda in ay qaadaan tallaabooyinka laga maarmaanka ah, waxa uuna xusay in la bixiyay dhammaan ammarada lagama maarmaanka ah si xasilloonida dalka loo ilaaliyo.

Sidoo kale, madaxweyne Putin ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Ruushka inay garab istaagaan ciiddankooda, isagoo xusay inay u dagaalamayaan nolosha iyo badqabka dadka, xuduudaha dhuleed iyo xorriyada dalka .

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay gadood sameeyeen ciidamada calooshood u shaqeestayaasha loo yaqaan Wagner, kuwaas oo wada shaqeyn dhaw la lahaa milatariga Ruushka, waxa ayna ciidanka oo gaaraya 25-kun hadda wadaan abaabul dagaal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News