Moscow (KAAB TV) – Madaxweyne Putin ayaa sheegay inay aheyd in dalkiisu uu mar hore duullaan ballaaran ku qaado Ukraine, iyadoo si wanaagsan loogu diyaar garoobayo dagaalkaasi.
Sidoo kale, Vladimir Putin ayaa warkan ka sheegay shirkiisi jaraa’id ee sanadlaha ahaa, oo uu ku sheegay inay ahayd in diyaarin nidaamsan loo sameeyo duulaanka 2022-kii, kaas oo uu ku sheegay howl-gal militari oo gaar ah.
Dhanka kale, Shirka jiraa’iid ee Putin ayaa intii uu socday waxaa kasoo muuqday shaashad weyn oo buluug ah oo muujinaysa khariidadda federaalka Ruushka, oo ay ku jiraan qaybo kamid ah Ukraine oo uu dagaalka kala dhaxeeyo haatan.
Shirka jiraa’iid oo u muuqday mid aad loo xakameeyay, haddane intii uu socday waxaa su’aalo weydiiyey warbaahinta qaar, su’aalahaas oo ku aadana inta badan dagaalka Ukraine.
Madaxweyne Putin ayaa mar la weydiiyay su’aal ayaa sheegay inuu dareemayo in waddanku ku jiro xaalad ka wanaagsan tii markii uu ka tagay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Boris Yeltsin 25 sano ka hor, Putin ayaana sheegay in Ruushku uu dib u helay wax uu ku sheegay “madax-bannaani.”
“Wax walba oo ku dhacayay Ruushka xilli hore, waxaan u soconay inaan lumino madax-banaanideena,” ayuu Putin sii raaciyay hadalkiisa.
Ugudambeyntii, Ruushka ayaa Crimea ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014-kii, waxaana ciidamada taabacsan Ruushka ay dagaal ka bilaabeen bariga Ukraine, balse sideed sano kadib Putin ayaa isku dayay inuu qabsado caasimadda Ukraine ee Kyiv.