SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Putin oo sheegay Yevgeny Prigozhin in uu kudhintay diyaaradii burburtay

|

Moscow (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Ruuskhka Vladimir Putin ayaa sheegay in burburkii diyaaradeed ee dhawaan dhacay uu kudhintay hoggaamiyihii kooxda calooshooda ushaqeystayaasha ee Wagner Yevgeny Prigozhin oo sabab u ahaa qarax kadhex dhacay gudaha diyaarada.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in soo dhicitaanka diyaarada uu san sabab u aheyn gantaal lagu tuuray diyaarada.

Dhanka kale, Putin ayaa shaaca kaqaaday in madaxa guddiga baaritaanka ey xaqiijiyeen raadka walxaha qarxa laga helay meydka dadkii kudhintay shilkaasi bishii August ee sanadkan.

Diyaarada gaarka ah Embraer jet ee  Prigozhin uu kusocdaalayay diyaarada ayaana ku burburtay waqooyiga magaalada Moscow waxaan kudhinta dhamaan 10-kii qof ee saarnaa diyaarada kuwaas oo uu kamid ah madaxii hoggaaminaayay kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News