Washington DC (KAAB TV) – Madaxweyne Trump, iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin ayaa telefoonka ku wada hadlay, wadahadalkaas oo socday ku dhowaad laba saacadood.
Sidoo kale, wadahadalka labadan hoggaamiye intii uu socday ayaa waxa uu Trum baaq u soo jeediyay Putin, kaas oo la xirriiray dagaalka Ukraine.
Balse Puntin dhiniciisa ayaa diiday baaq ah, in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine, oo labada dhinacba ogolaadaan xabad joojin buuxda.
Dhanka kale, Putin waxaa uu keliya ogolaaday, inuu muddo 30 maalmood ah la hakiyo weerarada ay ku beegsato xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.
Putin ayaa sidoo kale diiday inuu saxiixo heshiis xabad joojin muddo dheer socota, kaas oo kooxda Trump ay dhawaan kala shaqeeyeen Ukraine, ka dib kulan ka dhacay Sacuudiga.
Putin waxaa uu Trump u sheegay in Moscow ay joojin doonto beegsiga xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si dhab ah u diiday xabad joojin dhameystiran ka dib xiriir dhanka telefoonka ah ay yeesheen Putin iyo dhiggiisa Mareykanka, Donald Trump.
Horaantii Talaadadii, Madaxweyne Putin wuxuu u sheegay hoggaamiyaha Mareykanka, in xabad joojin buuxda ay shaqeyn doonto oo kaliya haddii xulafada Ukraine ay joojiyaan taageerada militari ee Kyiv.
Sikastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Trump u qaabilsan bariga dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in wadahadalo kale oo lagu doonayo in xabad joojin lagu dhex dhigo labada dhinac ay Axadda ku qabsoomi doonaan dalka Sacuudiga.