SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Siciid Deni oo xariga kajaray xarunta Sirdoonka Puntland

|

GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga kajaray xarunta Sirdoonka Puntland.

Sidoo kale, iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee aas aaskii Puntland Deni ayaa xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland.

Deni wuxuu sidoo kale Xariga ka jaray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhiyey Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, iyo xarunta dhexe ee cusub ee Garsoorka Dowladda Puntland.

Dhanka kale, Xarunta cusub ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sidoo ka mid ahaa xarumaha uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni.

Mashaariicdan cusub ee lagu soo beegay sanad guurada 25-aad ee aas aaskii Puntland ayaa waxaa ku baxay malaayiin Dolar sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News