Qaahira(Kaab TV) -Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.
“Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri.
Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya.
Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso.