SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Trump oo sheegay in kulanka Putin & isaga uu noqon karo isdhaafsi dhul

|

Washington DC (KAAB TV) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu isku dayayo in uu dib u soo celiyo qaar ka mid ah dhulalka Ukraine inta lagu guda jiro kulanka uu Jimcaha la yeelanayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Ruushka waxa uu qabsaday qayb weyn oo ka mid ah Ukraine, waxa ay qabsadeen dhul muhiim ah, waxaana isku dayi doonaa in qayb ka mid ah dhulkaas dib ugu soo celinno Ukraine,” ayuu yiri madaxweyne Trump xili shir jiraa”id uu ku qabtay Aqalka Cad.

Sidoo kale, Isaga iyo madaxweynaha Ruushka ayaa lafilayaa in ay wada hadal ku yeeshaan Alaska dhammaadka usbuucan.

Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa ku dooday in uu wax walbo ku ogaan karo labo daqiiqo gudahood marka uu la kulmo Putin haddii horumarka dhab yahay iyo inkale.

Waxa uu sheegay in Jimcaha uu noqon doono “kulan dareen leh” oo looga dan leeyahay in lagu boorriyo Putin inuu joojiyo dagaalka – isagoo soo jeediyay inuu u arko shir madaxeedka mid billow ah.

Trump ayaa mar kale ka digay inay jiri doonaan “wax is dhaafsi, isbeddel dhul” oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu isticmaalo oraahda ah “dhul-is dhaafsi”, inkastoo aan la ogeyn dhulka uu Ruushku ku wareejin karo Ukraine. Kyiv waligeed ma sheegan dhul Ruush ah.

Trump ayaa sheegay in uu wargelin doono hoggaamiyeyaasha Yurub haddii Putin uu soo jeediyo “heshiis cadaalad ah” inta lagu guda jiro wadahadalka, isaga oo intaa ku daray in uu marka hore la hadli doono madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky “ixtiraam darteed”.

“Waan waci doonaa marka hore, waan wici doonaa ka dib, waxaana laga yaabaa inaan dhaho, ‘nasiib badan, sii wad dagaalka,’ ama waxaan dhihi karaa, ‘waxaan sameyn karnaa heshiis’” ayuu yiri.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News