Muqdisho (Kaab TV) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay olole cusub oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka iyo xoreynta dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.
Wasiirka warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ololaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha looga dan leeyahay dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka.
“Tallaabadan ayaa loogu tala-galay in lagu dardar-geliyo howl-galada Al-Shabaab iyo in shacabka fursad loo siiyo in markale door weyn ku yeeshaan howl-galada, iyaga oo awalba ay shacabka qeyb ka ahaayeen howl-galada milatari ee socday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay akoono iyo lambaro loogu tala-galay in shacabku ay kusoo shubaan qaarankooda ku aadan howl-galka socda, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howl-galadii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada dalka.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay kula wareegeen deegaano horleh.
Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howl-galada laga sameeyey, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xaqiijiyay in howl-galadaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.