Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horrayn ku ammaanay shacabka, ciidamada iyo xukuumadda Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabaddiidka ah oo uu ku sifeeyey mid xaq ah ayna ku mutaysan doonaan ammaan xooggan, isagoo xusay in laga guulaysan doono cidkasta oo ku soo duusha dhulka Soomaaliyeed.
“Waanka adkaanaynaa dhinackasta ama Daacish ha haadeen oo aad aragteen dadka reer Puntland iyo dowlad goboleedka Puntland dagaalka adag ee ay kula jiraan oo shaqada ay qabteen mid ammaan mudan iyo dhammaan dowlad goboleedyada kale ee dagaalka la galay Alshabaab”, Ayuu yiri Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Sikastaba, hadalkan bogaadinta ah ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli Puntland aysan ka helin dowladda Federaalka taageero la cariira dagaalka ay kula jiraan Dacaish, waxaana labada dhinac ka dhaxeeya khilaaf aad u xooggan.