Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu bilaabo kulamo siyaasadeed oo u badan wadatashi, kulamadaa ayaana lagu wadaa in uu la qaato qaar kamid saaxiibadiisii hore ee siyaasada xilligii Farmaajo.
Sida aan xogta ku helnay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u raadinaya xubnihii ay kawada tirsanaayeen golihii midowga musharaxiinta, waxa uuna xubnahan oo qaarkood dalka dibadiisa ku maqan ku casuumay in ay Muqdisho yimaadaan.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Muqdisho yimaadaan Siyaasiyiin uu ka mid yahay R/Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka qeyb geli doona kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday siyaamileyda siyaasadda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiyiinta kamidka ah saamileyda siyaasadda dalka doonaya in uu wadatashi kala yeesho heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh ayuu kaga codsaday in uu isugu yeero saamileyda siyaasada ,gaar ahaan xubnihii golaha midowga musharaxiinta si wadatashi ugala yeesho heshiiskii golaha Wadatashiga Qaran.
Heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan golihii midowga musharaxiinta, waxaana heshiiskaasi taageeray madaxweyne hore Farmaajo.