Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada oo aysan ka tallaabsan ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago nuglaada oo dhageysta Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga yaqaano leh waaye siyaasiyiinta ha la dhageysto odayaasha dhaqanka ha la dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la yeello.
Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu leexsaday Deni ay hore uga gadmi weyday reer Puntland sidaas darteed ay tahay in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka maamulkaasi ee qof iyo codka ah.